Baaritaano ka socda Qandala

Qandala-RisaalaFM- Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay Degmada Qandala ka wadaan Howlgallo iyo baaritaano gaar ah, kadib markii dhowaan halkaasi laga saaray koox yar oo ka tirsan Daacish.

Baaritaanada ay wadaan Ciidamadan ayaa waxa ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayaan wadooyinka qaar ee Qandala iyo sidoo kale guryaha oo Daacish looga shakisan yahay in ay ku aaseen Miinooyin.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen Daacishtii ka baxday Degmada Qandala in ay ku sugan yihiin meel 50-KM ujirta Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkii ka barakacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil waxa ay ku sugnaayeen Degmada Qandala oo ay Dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Puntland.