DHAGEYSO: Hirshabeelle oo xooga saareysa Cadaalada

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka Garsoorka iyo Diinta ee Hirshabeelle C/qaadir Cismaan C/salaan Kheyraat ayaa ugu horey ka hadlay qorshayaasha horyaalla, isagoo Alle ka baryay in uu u fududeeyo xilka loo dhiibay.

C/qaadir Cismaan C/salaan Kheyraat oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xusay in uu ku dadaali doono sidii bulshada ay u heli lahaayeen adeeg garsoor oo cadaalad ku dhisan.

Wasiirka Garsoorka iyo Diinta ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in ummadda ay wax badan kala tirsanayaan, loona baahan yahay in si cadaalad ah loogu adeego, waxaana uu intaa ku daray in uu xoogga saari doono hirgelinta adeegga garsoorka ee Hirshabeelle.