DHAGEYSO: Hay’ada Culimada “Waan ka digeynaa Musuq maasuqa Doorashada”

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay ka digeyso in la musuq maasuqo Doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in xilka loo dhiibo cid walbo oo mudan, islamarkaana aan lagu eexan dadka Aqoonyahanada ah ee doonaya in ay qabtaan xilalka kala duwan ee dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed in ay la shaqeyneyso Guddiga Doorashooyinka iyo cid walbo oo ka shaqeyneysa Hormarka Doorashooyinka Dalka.