DHAGEYSO: Gudoomiyihii degmada Buurhakaba oo geeriyooday

Gudoomiyihii degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay Maxamed Nuur Abdiyow ayaa saaka u geeriyooday Qarax dhawaan ay Al-Shabaab ay  kula eegteen meel ku dhow howgiisa degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha oo dhawaan howlo caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitaalka Digfeer sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Maamulka Degmada.

Maxamed Ibraahim Cabdulle Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska degmada Buurhakaba oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in gudoomiyaha uu saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan laga soo qaaday magaalada Baydhabo , islamarkaana lagu dabiibaayay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.