Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay iney ka shaqeeyaan amniga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Muqdisho ay nabad iyo ammaan buuxa helaan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Maamulka Gobolka uu ka shaqeynayo dariseynta iyo sidii ay si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen shacabka degmooyinka.
Sidoo kale waxa uu xusay in qof walbo oo ku nool Muqdisho looga baahan yahay inuu dariskiisa ka war hayo islamarkaana ay si wadajir ah isugu gurmadaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu xalay ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray is dhexgalka bulshada oo lagu qabtay degmada Boondheere, waxaana munaasabadaasi ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.



