Hiiraan-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan in ay ku baxeen Dagaal beeleedyo xiisadahooda ay ka taagneyd qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen qaboojinta xiiasadaasi hase ahaatee loo baahan yahay in kulamo is arag ah Odayaasha labada dhinac ay yeeshaan, kaasi oo la filayo in uu ka dhaco Magaalada Beledweyne.
Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan marka laga tago Dagaalka Al-shabaab in ay gacan ku siiyaan dib u heshiisiinta Beelaha ku dagaalama Gobolka Hiiraan.
Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay isku dhaafeen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa dhowaan Magaalada Beledweyne safar ku tagay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, iyada oo shalay isla magaaladaas uu gaaray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.


