Mahadaay-RisaalaFM- Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka codsaday in ay wax ka qabtaan Ciidamo Millitari ah oo uu sheegay in ay kala wareegeen maamulka degmada.
Guddoomiyaha Mahadaay iyo masuuliyiinta kale ee loo magacaabay degmadaasi ayaa dibadjoog ka ah degmada, iyaga oo hada gabaad ka dhiganaya kuna sugan degmada Jowhar oo xarunta maamulka Hirshabeelle.
Wuxuu sheegay Gudoomiyaha Ciidamo Millitari ah oo hubeysan, kana tirsan guudtada 21-aad ee Ciidanka xoogga in ay kala wareegeen maamulkii degmada, muhiimna ay tahay in wax laga qabto arrintaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha dhaqaalihii loogu tala galay degmada ee Dowladda Hoose in ay qaataan Ciidamadan, degmadaha hormarkeedana ay cuuryaamiyeen.