Cadaado-RisaalaFM– Maamulka Galmudug oo xarun KMG u ah magaalada Cadaado ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan agagaarka degaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud, dhankoodana ay wadaan sidii wax looga qaban lahaa dejinta xiisadaha colaadeed.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug Mahdi Maxamed Cali oo la hadlay Risaala ayaa dagaalkan ku eedeeyay maamulka Ahlusuna, oo uu sheegay in ay la dagaalamayaan dadka degaanka oo aan waxba ka galabsan.
Mahdi Maxamed Cali Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa sheegay colaadan in ay soo taagneyd mudo bil ah, in la xaliyana ay diidan yihiin Ahlusuna, wuxuuna ugu dambeyntii dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, ayna qaataan Nabadda.
Degaanka Xaraale oo dhinaca Waqooyi Galgaguud kaga beegan ayaa maalmahan waxaa laga dareemayay saan saan colaadeed kadib markii dadka degaanka ay kala taageereen Galmudug iyo Ahlusuna.



