DHAGEYSO: Golaha Wasiirada Galmudug oo kulan yeeshay

Cadaado-RisaalaFM- Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, waxaana kulanka shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Golaha Wasiirada ayaa soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana shacabka ay ugu baaqeen in ay taageeraan.

Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa Golaha waxa ay dood dheer ka yeesheen sharciyada Amniga iyo Dowladaha Hoose, waxaana ugu dambeyn ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) oo warbahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna inuu ahaa mid yimid xilligii loo baahnaa.