Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegay in la kordhinayo Tababarada la siinayo Ciidamada Booliska.
Waxa uu sheegay in ay jiri doonto isla xisaabtan lagu sameeyo Ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanadooda, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay Aduunka kala xiriirayaan dhaqaale, Qalab iyo wax walba oo Booliska lagu hormarin karo, loona baahan yahay in la dhaqaaleeyo qalabka Booliska loogu yabooho.
Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Ciidanka Booliska ugu baaqay in ay u naxariistaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay u adeegayaan iyaga.



