DHAGEYSO: Galmudug oo soo furatay koox Ajaanib ah

Gaalkacyo-RisaalaFM- Ciidamada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa soo badbaadiyay Ajaanib u Afduubnaa kooxo burcad badeed ah, kuwaasi oo u dhashay Soomaaliya.

Ajaanibtan ayaa dhowaan waxaa laga Afduubtay Degaanka Ceelhuur oo ka tirsan Gobolka Mudug, sida ay sheegeen sarakiisha ammaanka ee Maamulka Galmudug.

Taliye lagu magacaabo C/naasir Diiriye Xalane oo la hadlay Risaala ayaa xaqiijiyay in Ajaanibtan la soo badbaadiyay, wuxuuna sheegay Howlgalkan in uu socon doono.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug inooga soo diray Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Muxudiin (Saxansaxo).