Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ay jiraan fara gelin shisheeye oo ku aadan dib u habeynta dastuurka dalka iyo barnaamijyada socda ee wada tashiga ah.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wax wada tashi ah oo lala sameynayo dadka shisheeyaha ah,islamarkaana aysan dhici doonin wax wada tashi ah oo lagala sameynayo.
Waxa uu tilmaamay in barnaamijka dib loogu habeynayo dastuurka dalka ay ka qeyb qaadanaya oo keliya dadka Soomaaliyeed.
Hadalkaan ayuu gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ka sheegay ka dib markii uu dib ugu laabtay magaalada Cadaado.


