DHAGEYSO: Galmudug oo dagaal ku qaadaysa kooxaha burcadbadeeda

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay bilaabi doonaan howgal ka dhan ah kooxaha burcadbadeeda Soomaalida oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in kooxaha burcadbadeeda ay dhibaateeyaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale  xusay in ciidanka Galmudug ay qaadayaan dagaal saf balaaran ah oo kooxaha burcadbadeeda lagula dagaalamaayo.

shalay ayay aheyd markii ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug ay Magaalada Cadaado ay kusoo bandhigeen haweenay u dhalatay dalka Kenya , islamarkaan afduub ahaan kooxaha burcadbadeeda ay ugu haysteen qeybo ka mid ah gobolka Mudug.