DHAGEYSO: Galmudug oo bilaabeysa howgal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo soo qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Shacabka kunool deegaanada maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howgalka ayna taageeraan ciidanka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.