DHAGEYSO: Galmudug oo baaq u dirtay Dowladda

Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa fal sharci daro ah ku tilmaamay weerarkii maalin kahor lagu qaaday hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), kadib kulan shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug C/raxmaan Heeloos ayaa sheegay Golaha Wasiirada Galmudug in ay dalbadeen in baaris dheeraad ah lagu sameeyo falkii lagu weeraray Cabdi Qeybdiid, wuxuuna tilmaamay in Dowladda ay ugu baaqayaan in si deg deg ah falkan looga jawaabo.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna u sheegay in sida ay wax u dhaceen ka xun tahay Dowladda.