DHAGEYSO: Galmudug ”Difaac adag ayaan kula jirnaa sidii aan uga hartagi lahayn Al-shabaab”

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu Cabdi Xuseen ayaa sheegay in 30 ruux ay soo qabteen ciidamada ammaanka maamulka Galmudug kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dadkan ay soo qabteen ciidamada ammaanka laguna wado baaritaan sida uu sheegay gudoomiyaha.

Sidoo kale Galmudug ayuu tilmaamay in ay difaac adag kula jirto sidii ay uga hortagi lahayd dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo dagaalo ka wada deegaanada dhaca xeebaha maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidamada ammaanka maamulka Galmudug oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in ay qabteen 30 ka mid dagaalyahanadii Al-shabaab kuwaas oo dagaalo ka waday deegaanka Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug.