Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay Dowladda Findland in uu kala hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Findland, kadib kulan uu la qaatay Safiirka Findland u qaabilsan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas Dowladda Findland in ay tahay Dowlad aan saaxiibo dhow nahay, xiriir fiicana la leh Maamulka Puntland, maadaama ay si gaar ah uga taageerto Puntland dhanka caafimaadka.
C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha maamulka Puntland Amb Tarja Fernandez waxa uu ka dalbaday in ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo gaaro guulo ifafaalo leh.
Dhanka kale Safiirka Dowladda Findland u qaabilsan Soomaaliya Tarja Fernandez ayaa sheegtay in wada shaqeyn ay dhexmari doonto Puntland iyo Findland, iyada oo sidoo kale sheegtay Findland in ay ka mid tahay wadamada Soomaaliya ku taageera dhaqaalaha, si wax looga qabto arrimaha Amniga iyo Caafimaadka.
Tarja Fernandez ayaa ah safiirka Findland u qaabilsan dalalka Uganda, Soomaaliya, Kenya iyo Rwanda, waana markii ugu horeysay ee ay booqasho ku tagto Degaanada Puntland.


