DHAGEYSO: Fartaag oo fariin u diray shacabka Jubbaland

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Jubbaland ayaa shacabka deegaanada Jubbaland ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha Maxjarka Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka iyo ganacsatada deegaanada Jubbaland ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan dhismaha maxjarka .

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay guul tahay  in Shacabka deegaanada Jubbaland ay yeeshaan Maxjar qaab casri ah loo dhisayo.

Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa  masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi waxa ay  ka dhagax dhigeen Maxjarka Magaalada Kismaayo.