DHAGEYSO: Faahfaahin Dagaal Culus oo dhexmaray Shabaab iyo dowladda

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xooggan oo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dadka ka badan 10 qof sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Abaanduule Cabdulle Isaaq Ibraahim oo la hadlay idaacadda Risala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen Weerar ay kusoo qaadeen Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab.