DHAGEYSO: Faah-faahita dagaal xoogan oo ka dhacay Laanta-buuro

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay saldhig ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa sida saraakiisha qaar ay inoo sheegeen wuxuu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Laanta-buuro.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaanan la ogeyn, waxaana saraakiisha ciidamada qaarkood oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab dhankooda guulo ayay ka shegteen dagaalka ka dhacay  Laanta-buuro, waxaana warbaahinta Alshabaab ay sheegtay in askar dowlada ka tirsan lagu dilay dagaalka, gaadiid dagaal-na lagu qaatay.