Mandheera-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya in Labo Qarax halkaasi lagula eegtay.
Qaraxyadan ayaa la sheegay in ay ahaayeen Miinada nuuca dhulka lagu Aaso oo ciidanka Kenya lagula eegtay Fariisin ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Beled-xaawo.
Ciidanka kenya ee Qaraxyadan lala eegtay ayaa la sheegay in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah, inkastoo Saraakiisha kenya aysan weli ka hadlin arintan.
Ciidanka Amaanka Dalka Kenya ayaa soo gaaray goobta ay Qaraxyada ka dhaceen, iyagoo halkaasi ka bilaabay Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo baaritaano dheeraad ah.
Al-shabaab ayaa inta badan sheegtay Qaraxyada iyo weerarada ka dhacay gudaha Dalka Kenya, balse weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyada Ciidanka Kenya lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Beled-xaawo.


