DHAGEYSO: Faah faahin Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa duhurnimadii maanta Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ku qabtay agagaarka Ex Control Afgooye, iyadoo daqiiqado kadib uu Qarxay Gaarigii.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Risaala u sheegay Gaarigan in uu ahaa mid saakay Degmada Boondheere ku dhaawacay Saddex Askari, kadibna baxsaday balse Ciidamada ammaanka ay ku raadjoogeen.

Waxa uu sheegay Gaarigan raggii watay in ay uga carareen Ex Control Afgooye, kadibna Gaarigii uu sidaasi ku Qarxay, ayna ku dhaawacmeen 2 Askari, iyadoo aysan jirin dhimasho.

C/fitaax Cumar Xalane, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay inaanan gacanta lagu soo dhigin raggii gaariga watay, iyadoo uu Ciidamada Dowladda ugu yeeray in ay soo qabtaan raggaasi.

Wariyaheena Faa’iza Cabdi Warsame ayuu Qadka Telefoonka ugu waramay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.