DHAGEYSO: Faah faahin Qaraxyo ka dhacay Degmada Buur-hakaba

Buur-hakaba-RisaalaFM- Waxaa faah faahino dheeraad ay ka soo baxayaan 2 Qarax oo maanta gelinkii dambe Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed lagula eegtay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, xilli ay halkaasi Howlgallo ka wadeen.

Qaraxyadan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida uu Idaacadda Risaala u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Inta la xaqjiiyay Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhintay 1 Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo kale, kuwaas oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Axmed Maxamed Kheyr ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay Qaraxyadan, waaxana uu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay falkan.

Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed ayaa Magaalada Baydhbo inooga soo diray warbixin ku aadan warkan.