DHAGEYSO: Faah faahin Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Shabaab

Sh/Hoose-RisaalaFM- Gudoomiyaha Degaanka Lambar 50 C/laahi Waafow Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray Degaanka Bariire oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Dagaalkana ayaa yimid kadib markii Ciidanka Militariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/laahi Waafow ayaa wuxuu sheegay Shabaab in ay 2 ruux oo rayid ah ku dileen Duleedka Degaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, taasina ay keentay Ciidanka Militariga in ay qaadaan Howlgal ka dhan ah Shabaab.

Al-shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Militariga ay ku leeyihiin Degaanka Lamabra 50, hayeeshee Dagaalkaasi kadib waxaa jirtay in Ciidanka Militariga dhankooda ay qaadaan weerar kale.