DHAGEYSO: Faah faahin Badmaaxiin Dooni ay kula caarisay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa la dhigay badmaaxiin ka soo jeeda jasiirada Comoros kuwaas oo Dooni ay kula caarisay xeebta Jasiira.

Badmaaxiintan ayaa la sheegay in ay cillad farsamo awgeed ugu caarisay Doonta ay wateen waxaana ay sheegeen in muddo 45 cisho ah ay Doonta dul sabeyneysay badda.

Badmaaxiintan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u liidatay ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo halkaa oo lagu baxnaaninayo,

Taliyaha Booliska magaalada Kismaayo Korneyl Xasan Kheyre Axmed, oo Saxaafadda kula hadlay Saldhigga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shantan nin ay yihiin Kalluumeysato, kadib baaris ay ku sameeyeen.

Taliyaha ayaa sheegay in hadda lagu hayo Saldhigga walina ay baaris ku socoto, isagoo sidoo kale sheegay in hada ay ku wadaan baxnaano go’aanka ugu dambeeyana ay ka gaari doonto dowlad gobaleedka Jubbaland.