Deg Deg: Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Wadajir

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay salaadii maqrib kadib degmadaasi ku dileen Korneel Xasan Barre Raage oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamada amaanka degmada Wadajir ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Taliyaha Boliiska degmada Wadajir ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Maalmihii udambeeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.