Qoryooley-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Dowllada ee ku sugan Degmada Qoryoileey ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Howlgallo iyo Duqeyn ka dhacay degaano hoostaga degmadaasi.
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryoley ee Gobalka Shabeelada Hoose Cali Maxamed Aadan (Cali Waaq) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay inta badan degaanada hoosyimaada degmada Qoryooley in laga saaray Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay degaan 45-KM ujira degmada Qoryooley in ay ka dhacday Duqeyn, taasi oo uu sheegay ilaa hadda inaanan laga heyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hada ay wadaan baaritaanada la xiriira Duqeyntaaasi iyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen khasaaraha rasmiga ah ee khashay Duqeynta.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kordhiyay Howlgallada ay kula dagaalamayaan ururka Al-shabaab.



