Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018.
Xildhibaanada ayaa ka doodi doono Miisaaniyadda dowladda 2018, waxa ayna ku dari doonaan talooyinkooda ku aadan Miisaaniyada iyo qaabka loogu qoondeeyay Miisaaniyadda.
Waxaa suura gal ah in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyaan maanta Miisaaniyadda dowladda 2018 dooda ka dib.
Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in guddiga miisaaniyada iyo maaliyadda iyo Wasaarada maaliyadda ay si wanaagsan ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda suura galna ay tahay in isla maanta la ansixiyo.
Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).
Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.
Waxaa miisaanad gaar ah sanadka 2018 loo qoondeeyay markii ugu horeysay dhismaha akadheemiyada afka soomaaliga.
Sidoo kale waxaa miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyay oo miisaaniyadaan ku jira dhismaha warshada dharka ee ciidamada qalabka sida.
Miisaaniyadii hore ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka imaaday dood badan iyo in aysan jirin qanasanaan hay’addha dowladda waxaana Hay’addaha dowladda qaarkood ay ka cabanaayeen in miisaaniyad yar loo qoondeeyay sida adeegyada bulshada caafimaadka iyo waxbarashada iyo Hay’addaha garsoorka dalka.


