DHAGEYSO: Dowladda oo wax ka qabaneysa Cudurada ka dhashay Abaarta

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in wax laga qaban doono Cudurada ka dhashay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirada Caafimaadka ayaa sheegtay in tilaabooyin kala duwan oo arintaasi looga hortagaayo ay qaadi doonaan.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in tan iyo markii ay Abaaruhu ku dhufteen Soomaaliya Wasaaradda Caafimaadka ay waday dadaallo kala duwan oo dadka lagu caawinaayo.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa ay xustay Wasiirku in  ay bixin doonto dadaallo badan si loo badbaadiyo dadka cudurada ay sababtay Abaarta u dhimanaya.