Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa duleedka Magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ku dilay nin dhawaan dil u geystay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Ninkaan ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya la dagaalamay , waxaana markii dambe Ciidamada dowladda u suurta gashay in ay dilaan.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in Amarka lagu soo qabanayay Askarigaasi ay bixisay maxkamadda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Askari kale oo lagu tuhmaayo in maleegay Falka lagu dilay Askariga u dhashay Jabuuti.
Ninka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana dhawaan uu Magaalada Buulo-Burde ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.



