Dhageyso:-Dowladda oo soo bandhigtay qodobada heshiiskii Ahlusunna

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qodobadii ay dhawaan ku wada heshiiyeen Dowladda Federaalka & Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo heshiiskaas horay dowaladda ugu saxiixay ayaa soo bandhigay 10 Qodob oo uu sheegay inay kula heshiiyeen Ahlusunna.

Wasiirka waxaa uu sheegay in hal qodob oo dowladda Soomaaliya ay jebisay uusan jirin,hayeeshee ay jiraan qodobo aan weli fulin tooda la gaarin,kuwaas oo dowladda Soomaaliya ku howlan tahay.

Hoos Ka Dhageyso Wasiir Sabriye oo soo bandhigaya 10-ka Qodob ay ku heshiiyeen Dowladda & Ahlusunna.