DHAGEYSO: Dowladda oo ka hadashay imaanshaha Madaxweynaha Turkiga

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u diyaar garowday sugida amniga Madaxweynaha dalka Turkiga Rcep Tayyip Erdogan oo la sheegay in uu ku soo wajahan yahay Muqdisho.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu cadeeyo waqtiga rasmiga ah ee uu imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Magaalada Muqdisho balse waxa uu sheegay in uu Muqdisho imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Weerarkii ka dhacay Hotel Ambassador ee Muqdisho uusan saameyn ku yeelan doonin booqashada Madaxweynaha dalka Turkiga uu ku imaanayo Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta gaaray dalka Kenya, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxda dalkaasi Kenya, sidoo kale Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa inta uusan Kenya tagin waxa uu soo maray dalka Uganda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan shaacin waqtiga Rasmiga ah ee Madaxweynaha Turkiga uu imaanayo Magaalada Muqdisho.