Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay Abaaraha ka jira Dalka oo ay saameyn ku yeelatay Dadka iyo Duunyada ku nool goobaha ay Abaaraha ku dhufteen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa waxa uu sheegay Abaaraha Dalka ka jira in ay u badan yihiin Gobolada Puntland, Somaliland iyo Galmudug.
Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay iskaashiga ka yimaada Dowladda Federaalka, Hay’adaha gar gaarka iyo Beesha Caalamka in loo isticmaalo sida ugu munaasabsan ee Dadkaa wax lagu gaarsiin karo.
Wasiir Odowaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Abaaraha Dalka ka jira in ay yihiin kuwo daran, loona baahan yahay in gacmaha la isqabsado oo lagu dadaalo sidii loo bad baadin lahaa Dadka Abaaraha ay saameeyeen.
Inka badan 50,000 oo caruur ah oo ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay wajahayaan xaalad qatar ah sababo la xiriira abaaro ka jira gobolada dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.


