DHAGEYSO: Amaanka Jowhar oo si weyn loo adkeeyay

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa weli waxaa ka socota Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Shabeelaha Dhexe C/qaadir C/laahi Xaayow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay aad u adkeeyeen goobaha ay ka socdaan Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay Ciidanka Nabad sugida in howshooda ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen Amniga wufuuda heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Taliye C/qaadir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajeynayaan wax arbushaad ah in aysan ka dhicin Magaalada Jowhar oo ay ka socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe dhowaan waxaa ka dhacday shaqaado yar xarunta Doorashada ay ka socotay, taas oo u dhaxeysay Labao Musharax oo xilligaasi tartamayay.