DHAGEYSO: Dowladda oo hadashay doorashada 2021-da

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga dhici laheyd.

Waxaa uu  sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la sameeyo waxyaabihii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-da.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya qorshuhuna yahay Sanadka 2021-da waxaa dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo Cod ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii Shacabka Soomaaliyeed ay u soo dooran lahaayeen qofka ay rabaan.