Dhageyso:-Dowladda oo faah faahisay kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud waxaa ay ka bixisay kulankii shalay Magalada New York ee dalka Mareykanka ku dhexmaray Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta,kaas oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Masar.

Kulankaas oo lagu heshiiyay in la xaliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex-jira Soomaaliya iyo Kenya sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Somaaliya ayaa waxaa dad badan ay kulankaas u fasireen waxyaabo badan sida in la isku afgartay in wada-hadal lagu dhameeyo muranka Badda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa mid ay horay dowladda Kenya u dalbatay,isla markaana uu marti-geliyay Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Siisii ahna Guddoomiyaah Ururuka Midowga Afrika.

Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in  Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in arrimaha la xiriira muranka Badda aan laga wada hadlin Karin,isla markaana Maxkamada ICJ ay go’aan ka gaari doonto.

Guddi ayuu sheegay in lagu balamay in la sameeyo,kuwaas oo ka shaqeyn doona deris wanaaga iyo xiriir wanaaga,isla markaana ay ka Sahqeyn doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.