DHAGEYSO: Diyaarado Qaad ka dejiyay Jowhar

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, maalinkii Labaad waxaa ka degay lix Diyaaradood oo Qaad sida.

Xubno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Diyaaradahaasi ay ka dageen Magaalada Jowhar oo Shan ka mid ah ay ka degi jireen Muqdisho, halka mida lixaadna ay tahay mid maalin kasta Jowhar ka degta.

Ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa qaatay go’aan adag, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku kordhisay lacagta canshuurta qaadka, taasi oo keentay in Diyaaradihii ka soo degi jireen Garoonka Aadan Cadde ay la aadeen Magaalada Jowhar.

Gaadiid fara badan ayaa Jaadka looga soo daabulay Magaalada Jowhar, kuwaasi oo ku soo socda Magaalada Muqdisho.

Maamo Salaado oo ka mid ah Ganacsatada Qaadka iibisa oo la hadashay Risaala ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya gabi ahaan ay joojinayaan Qaadkii ka imaan jiray Kenya ilaa ay wada hadal ay ku qancaan kala galayaan Dowladda cusub.