
Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa Warbaahinta u sheegay in mudanayaasha baarlamaanka jaamacadda ay cambaareeyeen falkii lagu dilay 45 qof oo Soomaali ah kuwaa soo marayay xeebaha dalka Yemen.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ay ku baaqeen in tilaabo deg deg ah laga qaado kooxihii ka dambeeyeen gantaalkii lagu dhuftay dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa xusay in xildhibaanada baarlamaanka Jaamacadda carabta ay balan qaadeen in ay gurmad deg deg ah ay soo gaarsiin doonaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.


