Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Dubatay Southampton

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku dubatay kooxda Southampton si ay todoba dhibcood oo saafi ah ugu qabto hogaanka premier leaque-ga ka hor inta ayna Tottenham kulankeeda ciyaarin Chelsea ayaa awooday in ayna ka soo gudubto imtixaankii Southamopton.

Eden Hazard, Gary Cahill ayaa min hal gool kulankan ka dhaliyay halka Diego Costa oo laba gool kulanka ay kooxda Antonio Conte ka caawiyeen in ay saddex dhibcood muhiim ah ka helaan kulankii Saints oo ka mid ahaa kulamada adag ee Blues u hadhsanaa. Chelsea ayaa Southampton ku xasuuqday 4:2 wuxuuna markan culaysku saaran yahay Tottenham haddii ay awoodi doonto in ay afartii dhibcood u soo jirsan karto Chelsea.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Chelsea (3-4-2-1): Thibaut Courtois; Cesar Azpilicueta, David Luiz, Gary Cahill; Victor Moses, N’Golo Kante, Nemanja Matic, Marcos Alonso; Cesc Fabregas, Eden Hazard; Diego Costa.

Kaydka: Asmir Begovic, John Terry, Nathan Ake, Nathaniel Chalobah, Pedro, Willian, Michy Batshuayi.

Southampton (4-2-3-1): Fraser Forster; Cedric, Jack Stephens, Maya Yoshida, Ryan Bertrand; Oriol Romeu, Steven Davis; James Ward-Prowse, Dusan Tadic, Sofiane Boufal; Manolo Gabbiadini.

Kaydka:Mouez Hassen, Martin Caceres, Jordy Clasie, Pierre-Emile Hojbjerg, Nathan Redmond, Jay Rodriguez, Shane Long.

Chelsea ayaa kulanan ciyaaraysay iyada oo uu uga dhignaa sidii final oo kale wuxuuna Antonio Conte kooxdiisa ka doonayay in ay ka soo kabsadaan guuldaradii Manchester United ka soo gaadhay kulankii Premier Leaque-ga ugu danbeeyay, waxayna sidoo kale Blues doonaysay in ay sii dheeraysato hogaanka Premier leaque-ga.

Xigasho Laacib.net