DHAGEYSO: Dilalka ka dhacaya degaanada Puntland oo Kordhay

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka  Puntland ayaa waxa ay sheegeen  in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cabdi saciid Cabdi Samatar oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Gaalkacyo in ay kordheen ,islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo laga doonaayo in ay la shaqeyaan Ciidamada Ammaanka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dad badan oo waxtar u lahaa Bulshada Gaalkacyo in la dilay ,islamarkaana aysan jirin tilaabo la qaaday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay Mas’uuliyiin Badan oo ka tirsan maamulka Puntland.