DHAGEYSO: Digniin loo diray dad dhistay dhul dan guud ah

Kismaayo-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo ayaa digniin u diray dadka dhistay dhulka dantaguud, waxaana ay ku amreen in ay si deg deg ah uga guuraan dhulka u dhaxeeya bulshada ee la doonayo in adeegyada kala duwan loogu qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Jubaland Xasan Kheyre Axmed oo saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay digniin u dirayaan dadka dhistay dhulka dantaguud ee ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Qoysas fara badan ayaa deegaansada dhul danguud ah oo hada ku yaalla Magaalada Kismaayo, balse Maamulka Degmada Kismaayo iyo saraakiisha Booliska ayaa soo saaray amaro ku aadan in dadka degan dhulka dantaguud laga saaro.