Shir looga hadlaayay arrimaha Bani’aadanimada, Somaaliyana uu uga qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobe ee Dalka kenya.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loogu gar gaari lahaa Waddamo ay ugu horreeyso Soomaaliya, Yaman, sudanta koonfureed, Burudi iyo Congo, waxayna Deeq- baxiyaasha ay soo jeediyeen in sida ugu dhaqsiya badan Soomaliya gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo.
Wasiir ku_xigeenka Qorsheynta ee Xukuumadda Somaaliya Mudane Cabdulaahi Sheikh Cali Qaloocaw ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyed u sheegay in shirka looga hadlay sidii Soomaliya tixgalin gaar ah loo siin lahaa, isla markaana Wadamada G7 PLUS,iyo deeq bixiyaasha ay tagaan Wadamadaasi si la isku dhaafsado waaya aragnimada dhanka bani’aadinamada.
Ugu dameyntii Wasiir ku_xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Prof Cabdullaahi Shiekh Cali ayaa u mahadceliyay deeq baxiyaasha sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Soomaaliya caawimaadeeda.




