DHAGEYSO: Dhageystayaasha Risaala oo ka qeyb qaadanaya qorshaha lagu ciidsiinayo caruurta Barakacayaasha

Muqdisho-RisaalaFM- Dhageystayaasha Idaacadda Risaala ayaa waxa ay door muhiim ka qaadanayaan qorshaha lagu ciidsiinayo caruurta barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaal waxaa ka socda barnaamij lagu ciidsiinayo caruura barakacayaasha ah ee ku nool duleedka Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan maalinta farxada ee Ciidul Fidriga.

Ololaha ugu weyn ee lagu ciidsiinayo caruurtan ayaa waxaa doorka ugu weyn ka qaadanaya dhageystayaasha Idaacadda Risaala, welina u taagan yihiin in ay bixinayaan dhaqaale kale.

Macalin C/wali oo ah Madaxa barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee Risaala ayaa sheegay todobaadkan qeybta dambe ee Ramadaanka in Barnaamijka Afuri loo weeciyay dhanka ciidsiinta caruurta.

Sidoo kale Ustaad C/wali ayaa Dhageystayaasha Idaacadda Risaala ugu baaqay in ay sii wadaan doorkooda ku aadan ciidsiinta caruurta barakacayaasha ah.

Tan iyo markii uu bilowday Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee Risaala ayaa dhaqaalihii laga aruuriyay waxaa lagu afuriyay qoysas gaaraya 200 oo Qoys, iyadoo hadana uu qorshaha yahay in la ciidsiiyo 200 oo caruur ah.