Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lagu qabtay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Gaarigaan oo noociisa uu yahay midka yar ee raaxada ee loo yaqaan CAMRY, ayaa waxaa ka buuxay waxyaabaha qarxa oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay Saraakiisha sheegeen.
Xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heleen ciidamada Nabad Suggida ayaa suuragelisay in laga hortago gaarigaasi oo la doonaayay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho in lagu qarxiyo, markii Ciidamada ay qabteena laga fur furay Qaraxyadii ku xirnaa.
Wasriirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay arrintan in ay timid kadib markii Ciidamada ammaanka ay aad u adkeeyeen amniga, gaarigana mudo 11 cisho ah Ciidamada ay daba joogeen.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Gaari Dheyno ah oo waxyaabaha lagu soo xiray uu ku qarxay degaanka Siinka-dheer ee Duleedka Muqdisho, kaasi oo markii Ciidamada ay qabteen kadib Qarxay, geystayna khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah.








