DHAGEYSO: Dadkii ka Barakacay Gaalkacyo oo dib ugu soo laabanaya Magaalada

Shacabkii ka barakacay Waqooyiga iyo Koonfurta  Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan Magaalada Gaalkacyo  kadib Heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ay kala dhex dhigeen Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dadka ayaa hubinaayay dhaqangalka heshiiska oo waxa ay ka baqayeen hadii ay ku laabtaan Magaalada in dagaal dib uu u udhaco sidii kol hore ka dhacday Magaalada.

Gaadiidka yar yar oo dusha ay ka saaran yihiin Joodariyaasha, gudahana ay ku jiraan reeraha soo noqonaya ayaa lagu arkayaa Koontaroolka Koonfurta  iyo Waqooyi  Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale iskuuladii Magaalada Gaalkacyo ayaa dib u furmay.