DHAGEYSO: Dad u dhintay Abaar

Sanaag-RisaalaFM- 12 Qof ayaa shuban iyo nafaqo daro oo ay keentay Abaarta ugu geeryoodey Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Goblolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay 12 Qof Gobolka Sanaag in ay ugu geeryoodeen shuban iyo nafaqo daro oo ay keentay Abaarta.

Waxa uu sheegay Abaarta ka jirta Gobolka Sanaag in ay tahay mid aad u daran oo aan laga jawaabi karin, sidoo kalena mar walba ay la tacaalayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay dadkan Abaarta ay saameysay in ay ku kala dhinteen Degaanada Baran, Gar-adag, Huluul iyo kuwo kale, isagoo sidoo kale sheegay ilaa iyo hada in uusan jirin Roob Da’ay.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Goblolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa xukuumada iyo Guddiga Abaaraha ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadkan dhibaateysan.