Muqdisho-RisaalaFM- Kulan looga hadlayay Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kulankan Daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ku xigeenkiisa C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Danjirayaasha Midowga Yurub iyo ururka Iskaashiga Islaamka iyo xubno kale.
Waxaa sii kordhay tirada dadka u baahan gar gaarka, khatarta ayaa ka sii dareysa taas oo ay sabab u tahay Abaarta sii xumaaneysa ayuu yiri Peter de Clercq Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya.
Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa ku soo aaday xilli ay Abaaro ba’ani ka jiraan dalka, ilaa Shan Milyan oo Qof ayaa u baahan kaalmo bani’aadannimo.
Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in calaamadaha muuqda ay muujinayaan kuwii muuqday sanadkii 2010-kii iyo 2011-kii, markii ay Soomaaliya ka dilaacday Abaartii darneyd.
“Xaqiiqdii Inta badan caalamadihii ka horeeyay Abaartii 2011 ayaa hadda muuqda, wax badan waxa ay ku xiran yihiin Roobka gu’ga ee la filayo bisha April ee soo socota, balse saadaasha Roobkaasi ma aha mid wanaagsan, sidoo kale waxaa yaraa Roobkii Deyrta, xaaladuna way sii xumaan doontaa maalmaha soo socda maadaama hada la galay xilliga Jiilaalka” Ayuu yiri Peter de Clercq.
Dhanka kale Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado dadka Abaarta ay ku habsatay.
Qorshaha waxqabadka arrimaha bani’aadannimada ayaa xoojinaya u diyaarsananta dhibaatooyinka iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka iyo maamulada hoose si loo yareeyo dhibaatooyinka la saadaalinayo.
W/D:- Abdirashiid Ali Dubad



