Taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne Gaashanle dhexe Cali Dhuux Mahad Alle, ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxii barqadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Baladweyne ay u xir-xireen ilaa 20 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen.
Taliyaha ayaa sheegay in ilaa 6 qof oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan garoonka in ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo loo adeegsaday kombuyuuter Laptop ah, isla markaana hadda lagu daweynaayo isbitaalka AMISOM ee Baladweyne.
Taliyaha ayaa tilmaamay qaraxaasi in la soo saaray gaari bas ah oo lagu qaado dadka doonaaya inay raacaan diyaaradaha garoonka ka dhoofa.
Wuxuu sheegay qaraxa inuu ka dhacay goob alaabta lagu baaro oo afaafka hore ee garoonka ku taallo.


