DHAGEYSO: Dad ka ka hadlay Qaraxii Kaawo-godey

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan NISA.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Gaari nuuciisa uu ahaa Harriyar oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku marayay wadooyinka Qardajeexa sidaasina ugu Qarxay ugu dhex Qarxay kaawo-godey.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay iyo dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa.

Shacabka qaar ee Eheladooda iyo caruurtooda ay ku waxyeeloobeen ayaa sheegay Qaraxan in uu ahaa mid naxdin badan, waxaana ay sheegeen dadka dhibaatadan geysanaya in looga baahan yahay in ay Alle u noqdaan.

Sidoo kale Maamo wiilkeeda uu ku dhaawacmay Qaraxan ayaa sheegtay wiilkeeda in uu ahaa Caseeye maalinkiina uu u soo shaqeyn jiray 40Sh.So, dad iyo duunyana ay isaga ka fiirsan jirtay.