Sool-RisaalaFM- Iyadoo xaalada Abaaraha Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Sool ay ka sii dareyso ayaa Degaanka Cagalaaye waxaa Abaarta darteed ugu dhintay caruur iyo Waayeel, kadib markii ay waayeen cuno iyo cabitaan.
Qoysaska ay waxyeeleysay Abaarta daran ayaa ka sokow la daalaa dhacaya xanuuno iyo xoolohoodii oo ay Abaartu leysay, taasina ay ku noqotay arrin murugo iyo fajac leh, oo loo baahan yahay in wax laga qabto.
Waxa ay sheegeen xaalada hada ay ku sugan yihiin in ay tahay mid daran, oo aan la isku fiirsan karin, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Hoose, Hay’adaha gar gaarka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah, si ay uga baxaan nolosha cakiran ee ay hada ku sugan yihiin.
Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ku baaqay muhiim in ay tahay in loo gurmado Qoysaskaasi, maadaama hada noloshooda ay tahay mid halis ku jirta.


